Boliska Kanada oo toogtay Nin Somali dhimirka la’aa

Jaalliyadaha Afrikaanka ee ku nool dalka Kanada ayaa sheegay inay ka argagaxeen falkii ay Ciiddanka ku toogteen Nin Soomaali oo lagu magacaabi jirey C/qani Xersi.

Ninkaasi oo dhimirka la’aa ayaa la sheegay in la toogtay, kadib, markii uu tooreey ku dhaawacay saddex qof oo ku sugnaa fagaaraha Kaniisad ku taalla faras-magaallaha Eastside.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in ay Boliska toogteen ninkaasi, kadib, markii uu dhaawacay saddex qof oo ay ku jirto haweeney xaalladeeda aad u liidato.

Boliska waxay ku doodeen inay toogteen ninkaasi, kadib, markii uu diiday inuu iska dhigo tooreey  iyo isagoo Boliska horteeda ku dooxay haweeney.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor