Maxkamad ku taalla Degmadda Aarhus ee Bariga dalka Denmark ayaa amartay in Xabsiga lagu sii hayo Nin Somali oo 24-jir ah, kaasi oo la sheegay inuu ku lug leeyahay waxyaabo qarxa oo laga helay magaalladda Jutland.
Ninkaasi oo 24-jir ah ayaa la soo taagay Maxkamad ay albaabaddu u xiran yihiin, iyadoo Garsoore Tina Rud ayaa amray in Ninka Soomaaliga lagu sii hayo Xabsiga muddo 4 isbuuc ah ilaa ay Boliska ka soo dhamaystirayaan lBaaritaankooda.
Ninka Soomaaliga ayaa la sheegay in la xiray maalintii Axadda ee la soo dhaafay, kadib, markii ay Boliska ka heleen waxyaabaha qarxa Dhismo uu Ninkaasi ka deganaa Galbeedka Degmadda Aarhus.
Boliska ayaa la sheegay inay sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadeen si ay u qabtaan Ninkaasi oo diiday inuu ka soo baxo Dhismihii uu ku jiray.
Afhayeenka Boliska Denmark, Rene Raffo ayaa u sheegay Wargeyska Metroxpress inay u baahan yihiin waqti kooban si ay u wataan baaritaankooda.
Afhayeenka waxa uu sheegay inay ka shakisan yihiin qalabka ay ka heleen Dhismaha uu deganaa Ninka Soomaaliga, wuxuuna xusay inaysan xilligan haynin caddaymo muujinaya inuu Kiiskaasi ku lug leeyahay Fal Argagixiso, waa sida uu hadalka u dhigay.
©Radio Dalsan