Biyo la’aan ka jirta deegaan ka tirsan Mudug iyo Baaq la diray

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Jilible hayre ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in biyo la’aan daran ay ka jirto deegaanka dadkuna aysan heysan biyo ku filan.

Guddoomiyaha Jilible heyre ee waqooyi bari ee gobolka Mudug Cali Axmed Jaamac oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in biyo la’aantu ay dadka soo wajahday kadib markii uu jabay ceelka deegaanka.

Qaar kamid ah dadka shacabka ah ee nool deegaanka ayaa walaac ka muujiyay xaalada soo wajahday, iyagoo cid kasta oo wax ka qaba karta ka codsaday in loo gurmado.

Guddoomiyaha deegaanka Jilible heyre ayaa maamulka Galmudug, Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo dowladda dhexe ugu baaqay in si deg deg ah xaaladaas wax looga qabto maadaama xaalad bini aadanimo ay ka jirto deegaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media