Biriq kusoo dhacday deegaan ka tirsan Gobolka Baay iyo Khasaaro ka dhashay

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Kanaanax ayaa waxa ay ku waramayaan in halkaasi ay biriq soo dhacday dad ku dhishay.

Saacadaihii lasoo dhaafay ayaa Roob waxa uu ka da’ayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Baay,waxaan biriqda ay sababtay geerida hal ruux iyo dhaawaca saddex qof oo kale sida ay Dalsan u sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale dadka iyo duunyada ayaa ku diirsaday Roobkii halkaasi ka da’day,waxaana dadkii ku dhaawacmay biriqda loo sameeyay gurmad deg deg ah.

Gobolada qaar ee dalka ayaa waxaa haatan ka jirta Biyo la’aan baahsan iyo abaaro,isla markaana waxaa deegaano dhowr ah maalmihii la soo dhaafay laga tukanayay Salaad roob-doon ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media