Benjamiin Netanyahu oo ku hanjabay inay weerari doonaan Magaalada Qasa

Ra’iisull-wasaaraha Israel ayaa sheegay inay dagaal ku qaadi doonaan magaalladda Qasa inta ay socoto Doorashadda, haddii ay lama huraan noqoto.

Wareysi uu siiyey Idaacadda Israel Radio ayuu  ku sheegay inay kharaj badan ku kici doonto haddii aan haatan gudaha u galno magaalladda Qasa.

Hadalkiisa waxa uu ku soo beegmay 2 maalin kadib, markii ay Diyaaradaha Dagaalka Israel ay duqeeyeen fariisimo ay Dagaalamayaasha Ururka XAMAAS ku leeyihiin Deegaanadda Marinka Qasa.

Dhinaca kale, Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Flastiin wxaay maanta sheegeen in Nin Falastiini ah uu u geeriyooday dhaawacyo rasaaseed oo ay Askarta Israel ku dhufteen.

Marxumka geeriyooday oo magaciisa lagu sheegay Xabiib Almasri oo 24-jir ah, waxaa Jimcihii laga toogtay Laabta, xilli uu ka qeyb galayey Dibadbaxyo xalay ka dhacay Marimeel ku dhow magaalladda Baytul-laxam.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media