Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay Jahwareerka Siyaasadeed ee ka taagan Golaha Shacabka

Khilaafka u dhaxeeya Gudoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada oo sii xogeysanaya kaa oo ka dhashay Mooshinkii Arbacadii laga gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Sababay in Beesha Caalamka iminka ay walaac ka muujiyaan halka ay xaalada kusii socoto.

QM ,Midowga Africa,Midowga Yurub Dowlaha Ingariiska Sweden iyo Ethiopia ayaa si kulul u cambaareeyay Moojaha siyaasadeed ee iminka ka taagan Golaha Sharci dajinta,waxaana ay ka digeyn dhibaato uu horseedo Mooshinkaasi.

โ€œMadaxda Somalida iyo Siyaasiyiinta waxaan ugu baaqeenaa in ay Xushmeeyaan Sharciga,lana guda galo Xalka Siyaasadaha Isdiidan,waxaana loo baahan yahay in la dhooro Demoquraadiyada lagana fogaado ficlida Abuuraya rabshado aan suura gal aheenโ€ ayaa lagu yiri baaqii kasoo baxay Beesha Caalamka.

Baarlamaanka iyo Xukuumada ayaana loo soo jeediyay in ay is xushmeeyaan kana doodaan kala aragti Duwanaashaha u dhaxeeysa iyada oo la eegayo Dastuurka.

 

About Radio Dalsan Reporter

View all posts by Radio Dalsan Reporter