Shirka Iskaashiga Soomaaliya oo weli ka socda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Khudbado kala duwan ka jeedinaya Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya,qaar Madaxda maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee ka qeyb galay Shirka.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si aad ah uga hadlayay Arrinta maamulka Jubbaland,iyagoo ku celceliyay in la helo xal lagu gaaro siyaasad loo dhan yahay.
Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ee Soomaaliya ayaa Khudbad ka jeediyay Madasha Caalamiga ee iskaashiga Soomaaliya,isagoona ka hadlay siyaasadda maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Donald Yamamoto ayaa waxaa uu sheegay in taageerada Mareykanka ay siinayaan Soomaaliya ay tahay mid diyaar ah,hayeeshee loo baahan yahay in la helo siyaasad loo dhan yahay oo ka dhexeeysa dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada k aka jira,
Sidoo kale Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa uu tilmaamy in barnaamijka Deyn cafinta aysan aheyn dhanka Maaliyadda kaliya, balse ay ku jirto siyaasad wanaagsan oo loo dhan yahay.
Si kastaba hadalka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa waxaa uu kusoo aadayaa,iyadoo uu Khilaaf ka dhex jiro qaar kamidah Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.