Beesha Caalamka oo Axmed Madoobe kala hadashay caqabadaha ka heysta Doorashada

Madaxweynaha dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya ka dhaceysa oo weli aan lagu heshiis, ayna caqabad weyn ka taagan tahay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN ee Somalia ayaa lagu sheegay in Wakiilada Beesha Caalamka ee Maanta tegay Kismaayo ay Axmed Madoobe sigaar ah ugala hadleen caqabadaha Jubbaland u diidan tahay inay ka qeyb gasho Shirka ka dhacaya Muqdisho.

Xubnaha ka socday Beesha Caalamka ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe ka dalbaday inuu ka qeyb galo Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka dhacaya Muqdisho.

Kulanka dhexmaray Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez, Safiirka Talyaaniga iyo Safiirka Ambassador Yamamoto oo qadka Internet-ka uga qeyb galay.

Comments
Loading...