Beesha Caalamka “Hala tix geliyo xaqa ay Musharixiinta u leeyihiin inay isu soo taagaan Doorashada”

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday la dhammaystiro doorashada Golaha Shacabka oo loo dhan yahay, laguna kalsoonaan karo oo ay aqbali karaan dhammaan daneeyayaasha doorashada sida ku cad Jadwalka la shaaciyey ee kahor 24-ka Diseembar 2021.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in daah-furnaan buuxda loo sameeyo dhammaan geeddi-socodyada la xiriira, oo ay ku jiraan magacaabista guddiga soo xulista, xulasta ergada, diiwaangelinta Musharraxiinta, kuraas u xirirsta haweenka Musharraxiinta ah,

Saaxiibada ayaa tilmaamay in la ilaaliyo qoondada boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyey, iyo maareynta lacagaha musharraxiinta, iyagoona sidoo kale ka dalbaday Guddiyada doorashada inay fududeeyaan korjoogeynta dhammaan hawlaha goobaha cod bixinta.

“Waxaan ku baaqaynaa in la tix geliyo xaqa ay musharixiinta u leeyihiin in ay isu soo taagaan doorashada iyadoo la marayo jawi ku dhisan tartan dhab ah oo xalaal ah” ayaa lagu yiri Qoralka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Waxaa intaas lagu sii daray Qoraalkan Saaxiibada Soomaaliy “Waxaan ku dhiirigelinaynaa ergooyinka iyo musharrixiinta doonaya inay soo gudbiyaan cabashooyinka doorashada inay sidaas ku sameeyaan iyagoo u maraya hababka sharciga ah ee loo sameeyay ujeedkan”.

War-saxaafadeedka Beesha Caalamka ayaa waxaa sida wadajir ah u soo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor