Dhageyso: Tartamayaasha Deyniile Oo Ku Guuleystay Tartan Aqooneedka Degmooyinka Dalka Ee Radio Dalsan

Degmadda Deyniile oo ka tirsan gobolka Banadir ayaa caawa ku guuleystay tartanka aqoon iyo abaal marin oo ka baxayay radio dalsan bishii ramadaan.

Tartamayaasha Deyniile ayaa 7 iyo 6 kaga adkaaday tartamayaasha Warta nabadda.

Tartanka ayaa waxaa ka qeyb galay 24 degmo oo ka kala tirsan goboladda Banaadir, Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, iyo Galgaduud.

Ugu dambeyn waxaa tartanka isugu soo haray deyiile iyo warta nabadda waxaana ay guushu raacday deyniile.

Ugu dambeyn agaasimaha guud ee radio dalsan xasan Cali Gesey oo gunaanadkii tartanka ka hadlay ayaa balan qaaday in la abaal marin doono Deyniile iyo warta nabadda oo iyagu kala galay kaalmaha koowaad iyo labaad.

Waa sanadkii labaad oo radio dalsan ay qabaty tartan aqooneedka degmooyinka dalka ee bisha ramadaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor