Dhageyso: Degmooyinka Waaberi iyo Aadanyabaal Oo Ku Baratamay Tartan Aqooneedka Radio Dalsan Wareegiisa Labaad

Degmadda waaberi ee gobolka Banadir ayaa xaqiiqsatay in ay usoo gudubtay wareega seddaxaad ee tartan aqooneedka radio dalsan kadib markii caawa ay garaaceen tartamayaasha degmadda Aadanyabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Degmadda Aadanyabaal oo caawa laga adkaaday ayaa keensatay 10-dhibcood halka degmadda Waaberi oo iyagu guusha raacday ay keensadeen 11-dhibcood.

Habeen Dambe waxaa baratamaya degmooyinka Cadale iyo Wartanabadda oo ka kala tirsan Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor