Barlamaanka Somaliland oo duullaan ku tilmaamay Guddigii uu magacaabay Aadan Madoobe

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray Guddiga uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe u xil-saaray xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood.

Baarlamaanka Somaliland ayaa Qoraalka ay soo saareen ku sheegay in Guddi ka socda Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya aysan awood u laheyn inay galaan gudaha Somaliland, oo ay baaris kusoo sameeyaan xaaladda loo xil-saaray ee Laascaanood.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa daan-daansi iyo duullaan lagu soo qaaday qaranimada Somaliland ku tilmaamay Guddiga uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay inay Warbixin kasoo diyaariyaan dhibaatada Laascaanood ka jirta.

Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in warbixin kasta oo kasoo baxda Golaha Shacabka aysan marnaba quseynin xaaladda dhabta ah ee deegaanada Somaliland oo ay ku jirto Laascaanood oo dilal ciidanka Somaliland ay dad shacab ah ugu geysteen.

Gaba-gabadii Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Beesha Caalamka la socodsiiyay in arrimaha ka taagan Laascaanood ay wax-qabadkeeda iyo xal u helideeda ay gaar u tahay Somaliland, isla maraana aysan jirin cid ka baxsan Somaliland oo fara-gelin karta.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Golaha Wakiilada Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor