Barlamaanka Kenya oo u codeeyey Safiirkooda cusub ee wakiilka uga noqon doona Somalia.

Mudanayasha Barlamaanka Kenya waxay xalay yeesheen  Kulan Gaarka ah oo ay cod ugu qaadeen   Magacaabista Safiirkooda cusub ee Somalia, Lukaas Tumbo.

Mudanayaasha waxay u codeeyeen magacaabistaasi Danjirahaasi oo ah Jeneraal Hawlgab ka noqday Milliteriga dalkaasi, Madaxweyne Uhuru Kenyaata ayaa horey u magacaabay Danjirahaasi.

Ambassador Lukas Tumbo waxa uu bilowgii bishan u codeeyey Guddiyadda Difaaca iyo Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka Kenya, iyadoo ay Mudanayaasha Barlamaanaka Kenya xalay u codeeyeen Xilkiisa Danjirenimo. Tallaabaddan ayaa ku soo beegmayso iyadoo ay Kenya shalay bilowday Dhismaha Xayndaabka Derbiga ee laga dhisayo Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor