Bannaanbax ka dhacay Baladweyne iyo wararkii ugu dambeeyay

Bannaanbax ballaaran ayaa ka dhacay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana Saaka si weyn looga dareemay bannanbaxaasi Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaaladu, iyadoo la arkayay dad Shacab ah oo isugu soo baxay Qaar kamid ah waddooyinka waa weyn ee Caasimadda Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Bannaanbaxa ayaa waxaa dhigaya dad shacab ah, waxaana ay kaga soo horjeedaan maamulka Hirshabeelle, iyadoo ay ku dhawaaqayaan dadka shacabka ahi Erayo ka dhan ah Maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen.

Ciidanka ammaanka ayaa isku dayay in ay ka hortagaan  dadka shacabka ah ee dhigaya Bannaanbaxa, waxaana Ciidanku ku guuleysteen in ay meelaha qaar ka kala cayriyaan dadka bannaanbaxayay, wallow Xaafadaha qaar ay si weyn  ugu bannaan-baxeen dadku.

Cidanka iyo dadka Shacabka ah ayaa saacado waxaa ay isku hortaagnaayeen Xaafadda Xaawo taako ee Magaalada Baldweyne, iyadoo dadka shacabka ahi ay diideen in ay kala tagaan, bannaanbaxana ay joojiyaan, waxaana la arkayay Ciidanka oo isku dayaya in ay kala Cayriyaan dadkasi caraysan ee bannaan-baxaya.

Waxaa ay wateen dadka shacabka ahi Boorar iyo halku dhigyo ay ku muujinayaan Bannaanbaxooda “Waan kasoo Horjeednaa Caburinta iyo Xasuuqa Maamulka  Hirshabelle u Geeystay  Shacabka Gobolka Hiiraan, Siidaaya wariyaasha iyo Dadka kale ee ururada Bulshada Rayidla ah” ayaa ku qornayd Boorar ay wateen.

Tan iyo Markii la doortay Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen Waxaa marba  marka ka dambeysa sii xoogaysanayay Bannaanbaxyada ka dhanka ah Maamulkiisa, iaydoo ay soo if-bexeen Jabhado hubeysan oo sheegay in ay dagaal la galayaan Maamulka Cusub.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media