Bandowgii saarnaa magaallooyinka W/bari ee Kenya oo la kordhiyey, weerarkii Alshabaab kadib.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay inuu muddo hal bilk u kordhiyey bandowgii saarnaa Mandera, Wajeer, Garissa iyo Gobalka Tana River.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka ayaa lagu sheegay inuu muddo 30-maalmood ku kordhiyey Bandowgii horey u saarnaa Deegaanadaasi, kaasi oo ku ekaa shalay o oay bishu ahayd May 15-dii.

Bandowga cusub oo socon doona ilaa bisha soo socota ee June 16-da ayaa la sheegay inuu bilaaban doono gabaldhaca 6:30 fiidnimo ilaa 06:30 aroornimo.

Waxaa  la mamnuucay inay isugu yimaadaan dad ka badan shan qof, iyagoo aan fasax ka haysanin Taliyaha Boliska ee Gobalka iyo inaan wax hub ah lagu dhex wadan karin magaallooyinka fasax la’aan.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, waxa uu ku micneeyey Bandowga mid lagu sugayo xaalladda ammaanka ee Deegaannaddii ay waxyeelladdu ka soo gaareen weeraraddii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen Jamaacadda Garissa bishii April 2-dii ee la soo dhaafay, laguna dilay 148 qof oo badankooda arday ahaa.

Alshabaab ayaa weeraro kale ka geysatay W/bari Kenya tan iyo markii lagu dhawaaqay Bandowga, waxayna dileen Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya, kuna dhaawaceen 17 kale.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor