Banaanbax looga soo horjeedo Ciidanka DF iyo AMISOM oo ka dhacay Baladweyne

Banaanbax looga horjeedo Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milateriga qeybta 27-aad iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM qeybta Jabuuti ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dadweyne isugu jiray dhalinyaro, Odayaal iyo Haween ayaa isugu baxay laamiga Baladweyne, kuwaasi oo sheegay inay kasoo horjeedan in Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku baxaan dagaal maleeshiyo beeleed ku dhexmaray degaanka Kabxanleey.

Qaar kamid ah dadkii dhigaayay banaanbaxa oo la hadlay warbaahinta ayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti ku eedeeyay inay hub u wadaan mid kamid ah beelaha ku dagaalamay Kabxanleey.

Sidoo kale dadka ayaa tilmaamay in Ciidamada Milateriga qeybta 27-aad maalmihii lasoo dhaafay looga baahnaa inay ku baxaan maleeshiyo beeleed uu dhexmaray dagaalka khasaaraha geystay ee ka socday Kabxanleey ee duleedka Baladweyne.

Banaanbaxaan ay dhigeen qaar kamid ah dadka degaanka Baladweyne ayaa kusoo aaday, iyada oo Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay Maanta ku baxeen maleeshiyo beeleedka ku dagaalamay Kabxanleey, iyaga oo doonaya inay kala qaadan dhinacyada.

Dagaalkaan ayaa salka ku haaya muran la xiriira dhul-daaqsimeedyo iyo dilal aanooyin qabiil ah oo horey uga dhacay deegaanada kabxanlay iyo Deefow, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor