Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa Maanta waxaa ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga horjeeday Madaxweynaha dalka Faransiiska  Emmanuel Macron, kadib markii uu gafay Diinta Islaamka.
Boqolaal dad ah oo isugu jiray dhalinyaro, haween iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada Burco, iyagoona ahaa kuwo aad u careysan taageeridii uu u muujiyay Macron Ninkii Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH.
Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qaran yihiin erayo ka dhan ah dowladda Faransiiska, isla markaana gubayay Sawiradda Madaxweyne Emmanuel Macron, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday.
Dadka dhigaayay Banaanbixii Maanta ka dhacay Magaalada Burco ayaa waxaa qeyb ka ahaan Ganacsato farabadan, iyagoona si Cad u sheegay inay joojin doonaan badeecada ka timaadda Faransiiska.
Ololaha qaadacaadda badeecada uu soo saaro Faransiiska ayaa ku baahay dalal badan oo Carab ah, taa oo ka dhalatay hadalkii Madaxweynaha dalkaas Maron ee ka dib weerarkii lagu dilay macallimkii ardeydiisa tusay sawir lagu sheegay Nebi Muxamed NNKH.