Banaanbax lagu taageerayo magcaabista ra’isul wasaaraha cusub oo goordhow lagu wado inuu ka dhoco Muqdisho.

Maamulka gobolka banaadir ayaa qaban qaabinya dibadbax lagu taageerayo magcaabista ra’isul wasaaraha cusub oo shalay loo magcaabay Xassan Cali Kheyre oo ah qurbe joog heesta dhalashada dalka Norway.

Dadyow ka kala yimid degmooyinka gobolka banaadir ayaa ku sugan taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere si ay uga qeybgalaan taageerada loo sameynayo ra’isul wasaare Kheyre oo ansixin ka sugaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda maamulka gobolka banaadir ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan dibadbaxa halkaasina ay kula hadlaan dadka isuguyimid islamarkaana ay muujiyaan taageerada ay uhayaan dowlada cusub.

Magaaladii ugu horeysay ee laga soo dhaweeyey ra’isul wasaaraha cusub waxaa ay noqotay magaalada Caabdud Waaq ee gobolka galgaduud waxaana shalay markii lamagcaabay ra’isul wasaaraha dadka magaladaasi ay isugu soo bexeen Caabud waaq iyagoo dhigay dibadbax ay ku taageereen magcaabista ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media