Banaanbax ballaaran oo Maanta ka dhacaya Muqdisho iyo Abaabulkii ugu danbeeyay oo socda

Banaanbax ballaaran ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan Garoonka kubada caggta ee Injineer Yariisow, kaasi oo ay ku dhawaaqday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda ayaa sheegtay in banaanbaxa ka dhacaya Muqdisho uu yahay mid looga horjeedo dagaalamayaasha Al-shabaab, isla markaana lagu taageerayo guulaha dowladda ka gaartay howlgalada ka socda Gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaan wada abaabulkii ugu danbeeyay ee qabsoomida banaanbaxa oo saacadaha soo socda la filayo inuu ka bilowdo Garoonka kubada caggta ee Injineer Yariisow, oo ay tagi doonaan dadweyne farabadan oo ka qeyb galaya.

Warar la helayo ayaa sheegaya in inta badan badan mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa Maamulka Gobolka ay ka qeyb geli doonaan banaanbaxa ballaaran ee ka dhacaya, isla markaana lagu taageerayo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waddooyinka waaweyn ee caasimadda Muqdisho ayaa la xiray, waxaana lagu daadiyay ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya inay maraan, waxaana shacabka ay yihiin kuwo lugeynaya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor