Ban Ki-moom oo ku baaqay inaan xal milliteri lagu maquunin Tahriibayaasha ay Soomaalida ka mid tahay

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi maanta lagu soo daabacay Wargeyska LA STAMPA ee ka soo baxa dalka Talyaaniga, wuxuuna ku booriyey Hoggaamiyayaasha 28-ka Waddan ee ku mideysan Ururka Midowga Europe “EU”-da inaysan xalka ka raadinin awood Milliteri oo lagala hortago Tahriibayaasha doonyaha ku soo gaara Xeebaha Europe.

Waxa uu Hoggaamiyayaasha kula taliyey inay ka fekeraan tallaabooyin kale si loo maareeyo Tahriibayaasha naftooda ku soo biimeeya Badda Mediterranean Sea.

Xoghayaha Guud ee QM, waxa uu sheegay inay QM culayska saari doonto ammaanka iyo badbaadinta Xuquuqda Aadanaha, wuxuuna meesha ka saaray Hindisaha uu Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga, Matiyo Renzi ku sheegay in la burburin doono, lana qaban doono doonyaha ay Kooxaha ka ganacsada Tahriibayaasha u adeegsadaan inay Qaxootiga ku soo tahriibaan.

“Ma jiri karo xal Milliteri oo lala beegsanayo dadka masiibadda ku qabsanayso Badda Mediterranean Sea” ayuu yiri Ban Ki-moon oo intaasi ku daray inay khatar ka dhalan karto adeegsiga awoodda Milliteri.

Dhinaca kale, Madaxa Siyaasadda ee Ururka EU-da, haweeneyda lagumagacaabo Federiko Mogherini ayaa u sheegtay Wargeyska La Republic ee Talyaaniga  inay Ban Ki-moon kala tashan doonto Hindisaha EU-da ee lagu burburinayo doonyaha loo adeegsado Tahriibinta dadka ku le’anayo Badda u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga.

Waxay sheegtay inaysan tallabaadaasi la micno ahayn Faragelin Milliteri oo lagu samaynayo gudaha dalka Libya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga, Anjaliino Alfaano oo wareysi siiyey Wargeyska IL MESSAGGERO ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii loo dhisi lahaa Nidaam Guud oo lagula tacaalayo qulqulka Tahriibayaasha, iyadoo la tixraacayo Heshiiska Dublin Treaty.

Wararka kale ee ka imaanayo Talyaaniga ayaa sheegayo in 274 Tahriibayaal oo ay shalay ciiddanka Badda Talyaaniga soo badbaadiyeen lagu wado inay maanta gaaraan Dekedda magaalladda Taranto ee Koonfurta Talyaaniga.

Tahriibayaashaasi oo u kala dhalatay Somalia iyo Nigeria ayaa waxaa la sheegay inay ku jiraan haween xaamilo iyo carruur aad u da’ yar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor