Bam Gacmeed Caawa lagu weeraray fariisin Ciidamada dowladda ku leeyihiin Muqdisho

Caawa ayaa waxaa Bam gacmeed lagu weeraray fariisin ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya ay ku leeyihiin meel an ka fogeyn isgoyska Baar Ubax ee Magalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in jugta bambada lagu weeraray ciidamada Nabadsugida eek u sugan baar Ubax ay maqleen,kadibna ay dhacday rasaas aan badneyn.

Inta la xaqiijiyey ilaa Afar ruux ayaa weerarka Bam Gacmeedka ah ku dhaawacantay oo la sheegay in qof ka mid ah uu yahay shacab halka Saddexda kale ay yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Ciidamada ayaa la soo sheegayaa in ay sameeyeen howlgal wallow goobta fariisinka u ah dadka ku dhow ay xilli hore sii xaroodeen,maadaama Caawa Muqdisho degmoooyin ka mid ah laga dareemayo munaasabada 1-da luulo sidoo kalena Wadooyinka qaar ciidamo la soo dhoobay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor