Baarlamaanka Soomaaliya oo Aqbalay Codsi uu u Gudbiyay RW Xamse Barre

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaaday codsi uu ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane Xamza Cabdi Barre uu usoo gudbiyay gudddoonka Golaha Shacabka.

Waxaana RW Xamse uu kaga codsanaayo in mudo toban maalmood ah loogu daro soo magacaabista golihiisa wasiirada.

Kulanka ay manta isugu yimaadeen Golaha Shacabka ayaa waxaa ย ku ogolaatay 144-xildhibaan,hal xildhibaan ayaa diiday mana jirin wax ka aamusay.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar oo kulanka shir guddoomineysay ayaa natiijada codeynta ku dhowaaqday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor