• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, June 24, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Baarlamaanka Puntland oo markale diiday Mas’uuliyiin uu magacaabay Saciid Deni

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 7, 2022
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 4 mins read
A A
Baarlamaanka Puntland oo markale diiday Mas’uuliyiin uu magacaabay Saciid Deni
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 18-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Maamulka oo Maanta oo khamiis ah ka qabsoomay Magaalada Garoowe.

Fadhiga maanta ayaa oo ay soo xaadireen 40 Xildhibaan ayaa waxaa Golaha hor-yimid Guddi gaar ah oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil u xil saaray kasoo talo-bixinta Xaalada Garsoorka Puntland.

Guddiga gaarka ah waxay golaha u soo jeediyeen:-

1- Guud ahaan nidaamka Garsoorka Puntland waxaa lagama maarmaan ah inuu noqdo mid hufan, daacad ah, aqoon iyo kartina u leh arrimaha Garsoorka, laguna kalsoonaan karo, sidaas awgeed, waa in la helaa Garsoorayaal iyo Guddi maamul oo hufan, isla markaana buuxiyey shuruudaha sharciga ah ee doorashada Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, si waafaqsan qodobka 91-aad ee Dastuurka.

2-Si loo fuliyo qodobka 88-aad ee Dastuurka waxaa waajib ah in Xukuumaddu soo magacawdo Guddiga Culimada Diinta oo door muhiim ah ku leh magacaabista Garsoorayaasha Shareecada Islaamka.

3- Waxaa waajib ah in magacaabista Garsoorayaasha Maxkamadda Sare loo maro habraac waafaqsan qodobka 76-aad xarafka (r) oo sheegaya awoodaha iyo mas’uuliyadaha Golaha Xukuumadda, una dhigan “Golaha Xukuumaddu wuxuu leeyahay Magacaabidda Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, laba (2) garsoore oo Maxkamadda dastuuriga ah ku biiraya, Xeer-ilaaliyaha guud, Hanti-dhawrka Guud iyo Guddoomiyaha Bankiga, ka dibna la horgeeyo Golaha Wakiillada si uu u ansixiyo”.

4-Madaxweynuhu markuu maro habraaca ku xusan qodoka 76-aad, xarafka (r), wuxuu soo magacaabayaa Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 18-aad oo u dhigan “ Madaxweynuhu markuu la tashado Madaxweyne ku xigeenka wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare” . Haddaba, si loo dhawro qodobbada dastuurka ee kor ku xusan, waxaa waajib ah in Magacaabista Garsoorayaasha Maxkamadda Sare la soo mariyo Golaha Xukuumadda si loogu soo gudbiyo Golaha Wakiillada DPL.

5-Xubnaha Garsoorka ee waaya codka kalsoonida Golaha Wakiillada dib looguma soo celin karo Golaha, mana jiro qodob sharci ah oo arrintaas bannaynayaa.

6- Madaxweynuhu, waxaa keliya ee uu xaq u leeyahay Golahana ku soo celin karaa;

  1. Xeer Goluhu meel mariyey sida uu qabo qodobka 72-aad ee dastuurka una dhigan “Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu diidmada qayaxan isku hortaago sharci uu meel mariyey Golaha Wakiilladu, isaga oo diidmadiisa raacinaya qoraal sababaysan”.
  2. Inuu hal mar Golaha Wakiillada dib ugu celiyo Golaha Xukuumadda ee kalsoonida waayey sida uu qabo qodobka 67-aad farqadiisa 6-aad una dhigan “Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu hal mar Golaha Wakiillada dib ugu celiyo magacaabidda Golaha Xukuumadda ee kalsoonida waayey”.

7-. Ma jiro wax cuskasho sharci ah oo bannaynaya in dib loo soo magacaabi karo, loona soo gudbin karo Golaha Wakiillada Xubnihii Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee kalsoonida waayey Luulyo 04, 2022, sidaas awgeed, waxa waajib ah in Madaxweynuhu soo magacaabo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo aaney ku jirin xubnihii waayey kalsoonida Golaha. Sidoo kale, ma jiraan Garsoorayaal Maxkamadda Sare ah oo sifo sharci ah ku shaqaynaya inta laga soo magacaabayo Garsoorayaasha cusub Goluhuna ansixinayo.

Ugu dambeyntii, Soo jeedinta Guddiga kadib ayaa , waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 30 Xildhibaan, Diidmo 3, Aamus 7 xubnood, talo  soo jeedinta Guddiga ayaa sidaa ku noqotay Go’aan Golle.

Previous Post

AKHRISO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaqaalaheeda fasaxday

Next Post

Wararkii ugu danbeeyay Is casilaada Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”
Warar

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

June 23, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria
Warar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

June 23, 2025
“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”
Warar

“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”

June 23, 2025
Next Post
Wararkii ugu danbeeyay Is casilaada Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson

Wararkii ugu danbeeyay Is casilaada Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeybgalay munaasabad si rasmi ah loogu daahfurayay Qorshaha Hiigsiga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka...

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusayay...

Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country

Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country

by Gesey Liban
June 23, 2025
0

In a landmark move signaling a bold new era for Somalia’s future, President Dr. Hassan Sheikh Mohamud today officially launched...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”
Warar

"Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban"

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country
English News

Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive
English News

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria
English News

Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
  • “Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”
  • Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00