Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey xisaab-xirka Miisaaniyadda Maamulka ee 2021

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 30-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa;

1- Ansixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2021

2- Xasaanad-siinta Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada &Tacliinta Sare DPL

3- Ansixinta xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland – TPEC

4- Dhageysiga Warbixinta Guddiga u xil-saaran Arrimaha Garsoorka & Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad

5- Ansixinta Iibka Dhulka Dawladda Hoose ee Degmadda Garoowe

Ugu horeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillad DPL Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku soo dhaweeyay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL oo gacanta ku hayey, akhriska 2-aad-na ku samaynayey Xisaab-xirka Sannad-maaliyeedka 2021, sida uu qabo Qodobka 64-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee ah Habka loo ansixiyo Xisaab-xirka Miisaaniyadda, kadib Tallo-soo jeedinta Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL, Guddiga ayaa Odoraska miisaaniyadda sannadka 2021 ee Goluhu ansixiyey ku sheegay in laga filayey gudaha lacag dhan $94,085,580, waxaase dhab ahaan u soo xarooday $79,170,096, una dhiganta 84.15% waxaana muuqda is-dhin han $14,915,484 una dhiganta 15.85%

Sidoo kale, waxaa jira lacag laga filayey Mashriicda Bankiga Adduunka oo Odoroskiisu ahaa $27,556,092, waxaana ka soo xarooday $14,213,358 iyadoo is-dhinku yahay $13,342,734 in la waayey filashadii Mashriicda Bangiga Adduunka ee 2021, Xisaab-xirka waxaa loo diyaariyey hab waafaqsan nidaamka Xisaabaadka kaashka caalamiga ah ee loo yaqaan IPSAS Cash Basis, Kadib waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 36 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus 9 xubnood sidaas ayey ansax ku noqtay Xisaab-xirka 2021.

Xasaannad-siinta Wasiir ku-xigeenka Waxbarshadda & Tacliinta sare DPL Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax ( Dujana),

Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee DPL Cabdirxmaan Yuusuf Faarax ( Dujana) ayaa Golaha ka hor-yimi si uu helo Xasaanadda shaqo, isaga oo ka hor-akhriyey taariikhdiisa shaqo, waxbarasho iyo waayo-aragnimo, Kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 47 Xildhibaan, Diidmo & Aamus toona ma jirin, Xildhibannada ayaana wasiir ku-xigeenka Waxbarasharadda iyo Tacliinta sare cod wadar-oggol ah ku oggolaaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor