Baarlamaanka Midowga Yurub oo U Codeeyay in Kenya laga Caawiyo Dagaalka Al Shabab

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa Cod u qaaday Sidii Dowladda Kenya looga taageeri lahaa Dhinaca Militiriga iyo Dagaalka ay kula jirto Al Shabab.

Xildhibaanadda Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ku meelmariyay qaraarkasi cod gaaraya 578 Cod,waxa ka soo horjeestay 31 qof halka ay ka aamuseen 34 kale.

Xildhibaanadda ayaa sido kale Codsaday in Dalalka Midowga Yurub ay Kenya ka bilaban Howlgal Militiri oo tababar ah si looga Caawiyo Kenya Dagaalka ka dhan ah Al Shabab.

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa Cambaareeyay dhinaca kale Weerarkii bishii Hore ay Al Shabab ku qaadeen Jaamacadda Gaarissa oo ay ku dhinteen 148 qof oo u badnaa Dad kirishtan ahaa.

Sido kala Waxa ay tacsi u direen Dhamaan qoysaskii dhibanayaasha iyo Guud ahaan Shacabka Reer Kenya.

Ugu Dambeyn Xildhibaanadda Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ku celceliyay in Kenya laga hergaliyo Xarunta Militiri oo lagu tababaro Ciidamadda Kenya lana qalabeeyo Ciidamdda Militiriga iyo kuwa Boliiska Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor