• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Africa

Baarlamaanka Kenya oo xilkii ka xayuubiyay madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi

Abubakar Mohamed

Dalsan Editor by Dalsan Editor
October 8, 2024
in Africa, Caalamka, Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
Baarlamaanka Kenya oo xilkii ka xayuubiyay madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi
38
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

NAIROBI, Kenya (Dalsan Media) — Xildhibaanada Kenya ayaa ansixiyay mooshin xilka looga qaadayo madaxweyne ku xigeenka dalkaasi, kadib dood dheer oo maalintii talaadada oo dhan socotay iyadoo uu Rigathi Gachagua uu kasoo hormuuqday baarlamaanka si uu isaga difaaco eedaha loo haysto, oo ay ka mid yihiin inuu taageeray bannaanbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda ee dhacay bishii Juun ee sannadkan.

Mooshinka waxaa lagu ansixiyay cod aqlabiyad ah oo ahaa 281 mudane oo u codeeyay halka ay diideen 44 xildhibaan, hal mudane ayaa ka aamusay taas oo aad uga badan cadadka codadka uu dastuurku farayo oo ah 117 cod. Mooshinka hadda wuxuu u gudbayaa aqalka sare ee baarlamaanka, halkaas oo dood laga geli doono ka dibna la qaadi doono codeyn kale.

Si xil ka qaadista loo soo gabagabeeyo, waxay u baahan doontaa ayidaadda laba meelood saddex (2/3) ee xubnaha aqalka sare. Ma cadda goorta la qaban doono cod bixintaas.

Sida uu qabo dastuurka Kenya, xil ka qaadista waa mid rasmi ah haddii labada aqalba ansixiyaan, in kastoo Gachagua uu maxkamad ka dacwoon karo — taas oo uu sheegay inuu samayn doono.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa sidoo kale lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo ku lug lahaansho falal kale oo sharci darro ah. Wuxuuna beeniyay dhammaan eedaha loo jeediyay.

Doodda ku saabsan mustaqbalkiisa waxay bannaanka uga baxday aqalka baarlamaanka — dad taageersan iyo kuwo mucaaradsan mooshinka – ayaa iskula dhacay todobaadkii hore fagaarayaasha, kadib markii isbahaysiga talada haya uu baarlamaanka horgeeyay mooshinka.

Khudbadiisii, Gachagua wuxuu ku sheegay inuu “ku jiro geeddi-socod siyaasadeed” wuxuuna ka codsaday xildhibaanada inay go’aankooda gaaraan “iyagoon la cabsi gelin ama la qasbin.” Isniintii, madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay inuu rumaysan yahay in mooshinku uu gadaal ka riixayo madaxweynaha William Ruto, isagoona ka dalbaday in uu cafis u fidiyo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in laga yaabo in xilkan uu qabto siyaasiyaga Soomaaliga ah ee Aadan Barre Ducaale. Haddii ay taasi dhacdana waxa ay ka dhigaysaa in markii ugu horreysay uu mas’uul Soomaali ah gaaro darajadaasi.

Wararka xiisaddan siyaasadeed ku saabsan halkan ayaad kala socon doontaan.

Previous Post

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 08/10/2024

Next Post

Dhammaan Mas’uuliyiintii Maxkamadda Denbiyada Culus ee Puntland oo shaqada laga Eryay

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Baraawe
Warar

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Baraawe

May 17, 2025
Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe

May 17, 2025
Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Next Post
Dhammaan Mas’uuliyiintii Maxkamadda Denbiyada Culus ee Puntland oo shaqada laga Eryay

Dhammaan Mas’uuliyiintii Maxkamadda Denbiyada Culus ee Puntland oo shaqada laga Eryay

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Baraawe

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Baraawe

by Ilhaan
May 17, 2025
0

 Hal qof ayaa ku dhintay, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax miino uu maanta ka dhacay meel...

Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe

Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe

by Ilhaan
May 17, 2025
0

Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa habeenimadii xalay fuliyay weerar qorsheysan oo ka dhan ah kooxaha Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay...

Explosion Causes Casualties Near Baraawe Airport

Explosion Causes Casualties Near Baraawe Airport

by Liban
May 17, 2025
0

At least one person has been killed and two others injured in a landmine explosion that occurred today near the...

Federal Parliament Session Cancelled Amid Fears of Potential No-Confidence Motions

Federal Parliament Session Cancelled Amid Fears of Potential No-Confidence Motions

by Liban
May 17, 2025
0

Mogadishu – Saturday's scheduled session of the House of the People of Somalia’s Federal Parliament was unexpectedly cancelled, sparking speculation...

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Baraawe
Warar

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Baraawe

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Explosion Causes Casualties Near Baraawe Airport
English News

Explosion Causes Casualties Near Baraawe Airport

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Federal Parliament Session Cancelled Amid Fears of Potential No-Confidence Motions
English News

Federal Parliament Session Cancelled Amid Fears of Potential No-Confidence Motions

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Information Minister Attends Islamic World–Russia Culture Congress in Kazan, Highlights Culture as a Bridge for Peace and Cooperation
English News

Somalia’s Information Minister Attends Islamic World–Russia Culture Congress in Kazan, Highlights Culture as a Bridge for Peace and Cooperation

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Baraawe
  • Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe
  • Explosion Causes Casualties Near Baraawe Airport
  • Federal Parliament Session Cancelled Amid Fears of Potential No-Confidence Motions

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00