Baarlamaanka Jubbaland oo aqbalay Codsi uga yimid Axmed Madoobe

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyagoo ka dooday Ajendayaal kala duwan.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa inta badan Mudanayaasha Baarlamaanka Maamulkaas.

Ajendeyaasha kulanka Xildhibaanada Jubbaland ayaa kala ahaa, Muddo kordhin soo dhisada Xukuumadda Jubbaland, Ilaalinta Dastuurka dowlada Federaalka iyo kuraasta degaan doorashadooda la badalay oo ay Gollaha ka horyimaadeen.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Jubbaland ayaa Aqbalay Codsigii kaga yimid Madaxwayne Axmed Madoobe ee ahaa in loo kordhiyo wakhtiga uu soo dhisayo Xukuumada Cusub Jubbaland, isagoo 90 cisho loogu daray xiliga uu ku soo dhisayo Golihiisa Wasiirada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media