Baardheere:  Al-shabaab oo weeraray Garoon ay fariinsin kuleeyihiin ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baardheere

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidamada Itoobiya, kadib markii Garoonka Baardheere oo fariisin u ah ciidamada Itoobiya weerar ku qaadeen dagaalamayaal katirsan Alshabaab.

Wararka Dalsan ay ka heleyso magaalada Baardheere ayaa ku waramaya in dagaalkaasi uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac,inkastoo aan la ogaan inta uu gaarsiisanyahay waxyeelada dagaalkaas.

Goob-joogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan  inay maqlayeen daryanka Hubka Culus, islamarkaana dagaalku uu xooganaa.

Dhinacakale Al-shabaab war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Khasaaro dagaalkaas ay ku gaarsiyeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan maagaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media