Axmed Madoobe oo xarigga ka jaray qaybtii u horreysay ee Waddooyinka laga hirgaliyay Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xarigga ka jaray qaybtii u horreysay ee Waddooyinka Laamiga ah ee magaalada Kismaayo oo ka kooban 8 KM.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray mashruuca biyo saarka wadada halbowlaha ah ee magaalada Kismaayo oo maraya meel wanaagsan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan mashariicdan oo ah kuwo wakhti dheer laga soo shaqaynayay oo wax weyn ka tari doona bilicda Magaalada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor