HomeWararAxmed Madoobe oo qeylo-dhaan Deg-deg kasoo saaray Abaarta baahsan ee ka jirta...

Axmed Madoobe oo qeylo-dhaan Deg-deg kasoo saaray Abaarta baahsan ee ka jirta Jubbaland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madaoobe, ayaa sheegay in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda qeybo badan oo kamid ah Jubbaland taas oo khatar ku ah nolosha dad  badan oo kamid ah bulshada deegaanka. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madaoobe, ayaa sheegay in abaaro iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay dhibaato ba’an ku hayaan xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda qeybo badan oo kamid ah Jubbaland taas oo khatar ku ah nolosha dad  badan oo kamid ah bulshada deegaanka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland ay yihiin kuwo u baahan gurmad caalami ah iyo gargaar deg deg ah oo ay helaaan dadka tabaalaysan.

- Advertisement -

Waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay dhammaan Hay’adaha gargaarka iyo cid walba oo tageero ka gaysan karta dhibaatada taagan inay tahay hada xiliga ugu haboon ee gurmad deg deg ah loo baahan yahay.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ay wado dadaalo wax lagaga qabanayo xaalada hada taagan isla markana qiimaynta ay ilaa hada sameeyeen ay muujinayso in loo baahan yahay gargaar Caalami ah oo wax lagaga qabto saamaynta abaaraha jira ay gaysanayaan.

Abaaro baahsan iyo biyo la’aan ayaa xiligaan ka jira degaano dhowr ah oo ka tirsan dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana abaarta ku le’day xoolo farabadan oo ay lahaayeen dad reer miyi ah oo  xoolo dhaqato ah, iyadoona nolosha ku adkaatay dadka kunool degaano ka tirsan Jubbada Hoose gaar ahaan degmada Afmadow iyo degaano kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts