Axmed Madoobe oo qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta  aqalka martida ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo booqasho ku timid Jubaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay tageerada Dowlada Ingiriiska ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda, nabadgalyada iyo sidii Dowlada Ingiriiska ay u bilaabi lahayd mashariic hormarineed iyo tageero dhinacayada kala duwan ah oo ay ka fulin doonto Jubaland.

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: