Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ku guuleystay doorasho lagu qabtay magaalada Kismaayo, taasoo uu 55 cod kaga adkaaday musharrixiintii la tartamayay oo ay dadka qaarkood ku tilmaameen kuwo aan u muuqan inay si dhab ah uga qayb galayeen tartanka.
Doorashadan oo ah tii saddexaad ee Axmed Madoobe kusoo baxo tan iyo markii Jubbaland la aasaasay, ayaa lagu tilmaamay mid ay hareeyeen muran iyo saluug, maadaama dowladda federaalka Soomaaliya ay horay uga digtay inay aqbasho natiijada ka soo baxda doorashadaas.
Inta badan beesha caalamka iyo ururrada maxalliga ah ayaa walaac ka muujiyay habka loo abaabulay doorashada, taasoo lagu soo gabagabeeyay saacado kooban. Isla goobta doorashada ayaa Axmed Madoobe lagu dhaariyay, isagoo si rasmi ah u bilaabayaa muddo xileedkiisa cusub.
Doorashadan ayaa lagu sifeeyay mid “boobsiis ah,” iyadoo musharrixiinta kale aysan u muuqan kuwo fursad dhab ah ku lahaa inay la tartamaan Axmed Madoobe. Tan ayaa mar kale dhalin karta muran siyaasadeed oo ka dhex qarxa Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxaa la sugayaa sida dowladda Soomaaliya iyo bulshada caalamku uga falcelin doonaan natiijada doorashadan.