Madaxweyne Axmed Madoobe oo laba Guddi kala hadlay Doorashada Aqalka Sare 

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiinta Guddiga hirgalinta doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa labada Guddi ee doorashooyinka ka dhagaystay duruufaha iyo marxaladaha shaqo ee ay ku jiraan iyo sida ay ilaa hadda shaqadu doorashada Aqalka Sare u socoto.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in shaqada Guddiga ay u dhacdo si hufan oo daah furan sida ugu dhakhsiyaha badan, isla markaana la bilaadi doono qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa labada Guddi kula dardaarmay inay si daacad ah u gutaan waajibaadka saaran, isla markaana u dhabar adaygaan duruufaha qalafsan ee ku xeeran xayndaabka doorashada.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayuu ku boggaadiyay Axmed Madoobe shaqada adag ee ay hayeen Guddiga maalmihii lasoo dhaafay, kuwaasi oo wada diyaar garoow ku aadan doorashada Aqalka Sare.

Dib u dhac ayaa ku yimdi doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyada oo qarshahu ahaa inay bilaabato 25-ka Julay 2021, waxaana Maamulka Jubbaland uu sheegay inay qaban doonaan maalmaha soo socda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor