HomeWararAxmed Madoobe oo kulan la yeeshay xubno ka tirsan Guddiyada Doorashooyinka

Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay xubno ka tirsan Guddiyada Doorashooyinka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe maanta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo ku qaabilay xubno katirsan Guddiga Doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad Goboleed. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Guddiyada uu la kulmay kula dardaarmay in ahmiyad gaar ah la siiyo hirgalinta daahfurnaanta Doorashooyinka, isla markaana ka shaqeeyaan sidii doorashada u noqon laheyd mid daahfuran […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe maanta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo ku qaabilay xubno katirsan Guddiga Doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Guddiyada uu la kulmay kula dardaarmay in ahmiyad gaar ah la siiyo hirgalinta daahfurnaanta Doorashooyinka, isla markaana ka shaqeeyaan sidii doorashada u noqon laheyd mid daahfuran oo xor ah.

- Advertisement -

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu xusay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto wakhtiga iyo fursadaha wali dalka lagaga hirgalin karo Doorashooyin lagaga samata bixi karo xaalada Taagan ee dhinacyada amniga iyo abaaraha si loo helo dowlad Awood u leh wax ka qabashada arimahaas mudnaanta u leh bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ku boggaadiyey shaqooyinka ay hayaan, wuxuuna ka dalbaday inay sii laba jibaaraan, ayna doorashada noqoto mid daahfuran.

Jubbaland ayaa dhawaan soo saartay Liiska 14-ka kursi ee ugu horreeysa kuraasta doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Maamulkaas, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda bilaabaan doorashada Golaha Shacabka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts