Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka ah.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladda dalka, arrimaha doorashooyinka 2020/2021 iyo sidii Ururada Bulshada ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalada socda ee marxlada  kala guurka ah.

Ururada Bulshada ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyay sida uu hormuudka uga noqday in dalku uu helo hanaan Doorasho oo heshiis lagu yahay, isla markana meesha ka saara walaaca ay Bulshadu ka qabtay mustaqbalka dalka ee xiligan kala guurka ah.

Sidoo kale Hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka ayaa sheegay inay Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah kala shaqaynayaan sidii waxyaabaha dhiman loo dhamaystiri lahaa, kadib markii ay heshiis rasmi ah ka gaareen Doorashada 2020/2021.

Ururada Bulshada ayaa horey kulamo kala duwan ula soo qaatay Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoona sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dadaalada socda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media