Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa xalay salaan iyo Hambalyo ugu tagay Gudoomiyaha Cusub ee golaha shacabka BJFS Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
Madaxweynaha ayaa Gudoomiyaha ugu hambalyeeyay xilka Cusub ee loo doortay isagoo la wadaagay Sida shacabka Jubbaland iyo Bulshada Soomaaliyeedba ay ugu riyaaqeen doorashadii uu ku guuleystay Sheekh Aadan Madoobe.
Dhinaca kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahad celiyay go’aanka lagu fasaxay Xildhibaanada deegaan doorashada labaad ee Jubbaland si dadka Gobolka gedo ayna uga harin doorashooyinka guud ee dalka.
Madaxweynaha Jubbaland oo taageeray Go’aanka lagu fasaxay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee lagu soo doortay Magaalada Ceelwaaq ayaa u mahadceliyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, wuxuuna xusay inay soo dhaweynayaan Go’aanka la qaatay.
Kulankan dhexmaray Axmed Madoobe iyo Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo shalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka shaaca ka qaatay inay sharci yihiin Xildhibaanada Golaha Shacabka ee lagu soo doortay Ceelwaaq, isla markaana kuwa lagu soo doortay Garbahaarey sheegay in aysan sharci aheyn.