• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, June 21, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Axmed Madoobe oo dhaarintiisa Kadib Weerar Afka ah Ku Qaaday RW Xamse

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 25, 2024
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
Axmed Madoobe oo dhaarintiisa Kadib Weerar Afka ah Ku Qaaday RW Xamse
42
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo maanta markale loo dhaariyay xilka madaxweynaha Jubbaland, ayaa hadal kulul ku weeraray madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madoobe ayaa ku eedeeyay labada mas’uul inay wadaan “weerar cad” oo ka dhan ah maamulkiisa, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay Ra’iisul Wasaare Xamse, oo uu ku sheegay inuu ka horyimid Jubbaland, inkastoo uu isagu ka soo jeedo deegaannada maamulkaas.

Weerar uu ku qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse

Axmed Madoobe ayaa hadalladiisa ku duray Ra’iisul Wasaaraha, isagoo ku tilmaamay “mid ku caasiyoobay Jubbaland.” Waxa uu sheegay in Jubbaland ay u aqoonsatay Xamse inuu yahay xildhibaan matalaya deegaanka, hase yeeshee uu hadda ka shaqeynayo “dumiya maamulkooda.”

“Ra’iisul Wasaare Xamse waxaan leeyahay, dad kaa awood badan ayaa horay isku dayay inay wax naga qaadaan, laakiin taas ma aysan suurtagelin. Adigu waxba nagama qaadi kartid,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale u jeediyay farriin toos ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Wada hadal ayaan diyaar u ahay, Xasan Sheekh waxaan ku leeyahay, taariikhda dib ha u celin. Waxaa nasiib darro ah in Ra’iisul Wasaare Xamse loo adeegsado Jubbaland,” ayuu yiri Madoobe, isagoo ku eedeeyay dowladda federaalka inay si ula kac ah khilaaf uga dhex abuureyso dowlad goboleedka Jubbaland.

“Aniga Keliya ayaa Madaxweyne ka ah Jubbaland”

Axmed Madoobe ayaa si adag uga jawaabay shakiga laga muujiyay hogaamintiisa, isagoo sheegay in uusan jirin qof kale oo Jubbaland hoggaaminaya. “Ma jiro Madaxweyne kale oo Jubbaland ka jira. Aniga ayaa maanta ah Madaxweynaha Jubbaland,” ayuu yiri.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa dab cusub kusii shiday xiriirka qasan ee u dhexeeya Jubbaland iyo dowladda federaalka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u caddeysay inaanay aqoonsaneyn doorashooyinka Jubbaland, kuwaas oo ay ku tilmaantay kuwo sharci-darro ah.

Inkasta oo dowladda federaalka aysan weli ka jawaabin dhaarinta Axmed Madoobe, haddana khilaafka soo noqnoqday ayaa u muuqda mid sii qota dheer, iyadoo beesha caalamka iyo qeybaha siyaasadda dalka ay si dhow u eegayaan xaaladda.

Previous Post

Axmed Madoobe oo Mar Kale 5 sano haggaamin doona Jubbaland

Next Post

MW Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo midba mid ka kale Waaran u jaray

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad
Warar

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad

June 21, 2025
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed
Warar

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

June 21, 2025
Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka
Warar

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

June 21, 2025
Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan
Caalamka

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

June 21, 2025
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

June 19, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

by Ilhaan
June 21, 2025
0

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in maalinta berri oo ku beegan...

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

by Ilhaan
June 21, 2025
0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, horey ugu muddeeyay in uu qabsoomo 22-ka Juun...

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

by Ilhaan
June 21, 2025
0

Waxaa lagu wadaa in toddobaadkan magaalada Muqdisho uu ka furmo shir albaabadu u xiran yihiin, kaas oo uu guddoomin doono...

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

by Ilhaan
June 21, 2025
0

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in aysan dib u bilaabi doonin wadahadallada ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka ilaa la joojiyo weerarrada lagu...

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad
Warar

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad

June 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed
Warar

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

June 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka
Warar

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

June 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan
Caalamka

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

June 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad
  • Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed
  • Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka
  • Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00