Axmed Karaash oo kormeeray furumaha hore dagaalka ee Tukaraq

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray, Fariisimaha Ciidamada Difaaca Puntland ee ku sugan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Kormeerka waxaa Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash ku wehelinayey Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Xubno ka mid ah Guddiga dib-u-habeynta Ciidamada oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore Amniga Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa warbixin ka dhageystay, Saraakiisha Ciidamada Difaaca ee Dowladda Puntland ee Aaga Tukaraq, Kadibna waxaa uu Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash wuxuu Asteeyay Xarun lagu tababarayo Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa weli isku hor-fadhiya Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Somaliland, iyagoo mararka qaarkood isweedeersada Madaafiic xoogan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media