Axmed Karaash oo ka horymid Wasiirada Cusub ee uu Magacaabay Saciid Deni

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash  ayaa ka horymid Wasiirada iyo Wasiiro ku-xigeenadii ee uu xalay Magacaabay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa waxaa lagu Cadeeyay in xilka qaadista iyo Magacaabista Golihii Wasiirada ee xalay uu sameeyay Madaxweyne Deni aan wax wadatashi laga sameeyn.

Sidoo kale Qoraalka uu soo saaray Axmed Karaash ayaa waxaa waxba kama jiraa lagu tilmaamay wareegtada magacaabista ah ee kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland, isagoo xusay inay Wareegtada ka hor imaaneyso Dastuurka Puntland.

Si kastaba Madaxweyne Deni ayaa xalay Magacaabay Wasiiro iyo ku-xigeeno Cusubb, kuwaasi oo kamid noqonaya Golihiisa Wasiirada, iyadoo uu Khilaaf xoogan uu ka dhexeeyo Deni iyo Axmed Karaash oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Hoos ka AKhriso Qoraalka uu soo saaray Axmed Karaash.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media