Axmed Karaash “kuma laaban doono Garoowe illaa Xal laga gaaro Colaadda Saax-maygaag”

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboledka Puntland, Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash) oo shalay gaaray deegaanka Boocame ee gobolka Sool ayaa kulammo hordhac ah la yeeshay qaar ka mid ah Cuqaasha ku dhaqan goobihii lagu dagaallamay maalmihii aynu kasoo gudubnay.

Axmed Karaash oo la hadlayay wax garadka iyo bulshada deegaanka Saax-maygaag ayaa sheegay inuusan ku laaban doonin Garoowe illaa xal waara laga gaaro colaadda ka taagan deegaannada Sange jebiye iyo Saax-maygaag.

Sidoo kale Isimada dhaqanka labada dhinac ayaa billaabay waan-waan nabadeed oo lagu doonayo in lagu joojiyo colaadda, iyagoo kulamo la qaadan doona dadkii ay wax kala gaareen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor