Waxaa maanta magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyey Allah u naxariistee guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Madaxweynaha Soomaaliya,Ra’iisul wasaaraha,Wasiiro,Xildhibaano iyo badiba bulshadda ku nool caasimadda Muqdisho ayaa ka qayb galey Aaska.Marxuum Jawaari ayaa Shalay galinkii dambe ku geeriyooday hoyga uu ka dagana magaalada Muqdisho, waxaana maanta lagu aasey Qubuuraha Sheekh Suufi.
Alle ha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sanadkii 1945, ku dhashay degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose, wuxuuna mudo laba jeer ah soo noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka, islamarkaana sidoo kale horay usoo qabtay xilal kala duwan.Waxaa iishey oo Qaranka iyo Umadda Soomaaliyeedba ka baxay Madxaf dawladeed oo weyn.