HomeWararAU-da oo codsatay Kharajkii Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida ku nool Kenya.

AU-da oo codsatay Kharajkii Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida ku nool Kenya.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Beesha Caalamka ayaa u muuqata inay ka gaabiyeen Ballanqaadkoodii  ku aadanaa Dhaqaalihii loogu talagalay in lagu soo ambabixiyo Qaxootiga Soomaalida ee iskooda uga soo laabanayo Xeradda Dhadhaab oo ay ku jiraan 330,000 oo Qaxooti. Hadal qoraal oo ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika “The Peace and Security Council of the […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa u muuqata inay ka gaabiyeen Ballanqaadkoodii  ku aadanaa Dhaqaalihii loogu talagalay in lagu soo ambabixiyo Qaxootiga Soomaalida ee iskooda uga soo laabanayo Xeradda Dhadhaab oo ay ku jiraan 330,000 oo Qaxooti.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika “The Peace and Security Council of the African Union”  ayaa lagu sheegay inay Beesha Caalamka bixiyeen 105 million oo Dollar oo keliya oo qeyb ka ahayd lacagta 500 million oo Dollar ee ay Beesha Calaamka ka ballan-qaadeen Shirkii Caalamiga  ee bishii October ee sannadkii hore lagu qabtay magaalladda Brussels ee Qaaraanka loogu ururinayey Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida ku sugan Kenya.

- Advertisement -

Afhayeen u hadlay Golaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU-da ayaa lagu cusbooneysiiyey Baaqa looga dalbanayo Deeq-bixiyayaasha Caalamka inay bixiyaan Lacagta ka hartay Yaboohaasi oo dhan 395 million oo Dollars.
Goluhu waxa uu tilmaamay inay Dowladda Kenya walaac xooggan ka qabaan inay Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab noqoto deegaan ay Alshabaab isku urursadaan ama ka dhigtaan gabaad, waa sida hadalka loo yiri.

Afhayeenka u hadlay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU-da waxa uu ku baaqay in si ficil ah loo fuliyo ballanqaadka Deeq-bixiyayaasha, si ay Qaxootiga Soomaalida iskooda ugu laabtaan dalkooda hooyo ee Somalia, gaar ahaan Deegaanadda lagala wareegay Alshabaab ee ku yaalla Jubbooyinka iyo Goballadda kale.
©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts