Askari Maraykan oo lagu dilay Afganistan

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hawlgalka Isbahaysiga NATO ee ku sugan dalka Afganistan ayaa lagu sheegay in Askari u dhashay Maraykanka maanta lagu dilay gudaha dalkaasi.

 

Wax faahfaahin dheeraad ah lama bixinin qaabka uu u dhacay iyo goobta uu ka dhacay dilkaasi, waxaana la qariyey magaca Askariga ilaa laga wargelinayo Qoyskiisa.

Toogashadda Askarigaasi waxay tirada Askarta Maraykanka ee Afganistan lagu dilay sannadkan ka dhigtay ugu yaraan 7 Askari.

20,000 oo Askari shisheeye ah oo badankooda Maraykan ah ayaa ku sugan dalka Afganistan, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka Maraykanak ee Isbahaysiga NATO ee Tababarka, Taageerida iyo Talinta siiya Ciiddanka Dowladda Afganistan.

Qaar ka mid ah Milliteriga Maraykanka waxay qaadaan Hawlgalladda ka dhanka ah Kooxaha Daalibaan iyo Daacish ee ka hawlgala Afganistan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media