Askari Maanta rasaaseeyey Gaari sidey Meyd oo Gacanta lagu dhigay

Maanta barqadii ayay aheyd markii askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya uu rasaas ku furay Gaari ambulance oo lagu waday meyd marxuum la oran jiray Dhaqane Muxumed Aaden oo qorshuha ahaa in la soo aaso,balse rasaastaas uu ku geeriyooday Marxuum kale oo gaariga la socday kaas oo lagu Magacaabi jiray  Marxuum Axmednuur Xasan Xuseen.

Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya gacanta ku dhigeen askariga ka dambeeyey rasaaseynta Gaariga meydka siday,falkaas oo ka dhacay Isgoyska EVECO,oo ku yaalla Wadada Warshadaha ee Magalada Muqdishoi una dhow Warshada Taraqa iyo Sigaarka.

Meydka labada Maruum ayuaa waxaa la dhigay Isbitaalka xoogga,waxaana weli la shaacin xilliga la’aasi doono.

Marxuum Axmed Nuur Xasan Xuseen ayaa ahaa Muruq-maal ka xamasha Magaalada Muqdisho,waxaana uu sabab saday gacanta askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ehelada Marxuumka ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay codsanayaan in cadaalada lahor-keeno askarigii ka dambeeyey dilka iyo rasaaseynta Gaariga ambulance-ta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor