Askarigaan oo ka tirsan Ilaalada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xaaskiisa oo lagu Magacaabi jiray Muxubo Maxamed Guure waxa uu ku dilay Magalada Kisamayo ee Xarunta Gobolka Jubabda Hoose.
Guure Ibraahim Uunlaaye รย oo ay ehel yihiin ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey dilkaas,waxa uuna sheegay in Muxubo iyo Seeygeeda uu soo kala dhexgalay muran sababay in dhowr xabadood uu ku dhufto halkaasna ay ku geeriyooto.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xiliga uu dilayey Muxubo Maxamedรย Seygeeda ay laheyd Uur,isla markaana mudo hadda laga joogo saddex Bilood ay isguursadeen.
รขโฌลxaqiiqdii Argagax iyo calool xumo ka weyn majirto nin xaaskiisa dilay,iyada oo ka mid aheyd Hablaha rajada weyn ka lahaa Dunida,Saddex bil ka hor Sanadkaan ayay isguursadeen,falalka noocan oo kale ah waa kuow mararka qaar ka dhaca dalka gabadheena ayaana taas nasiib u yeelatay ayuu yiri Guure Ibraahimรขโฌย
Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale wax ay sheegayaan in Askariga ka tirsan ilaalada Axmed Madoobe ee xaasikiisa ku dilay Magalada Kismaayo ay suurtagashay in la qabto,waxana Guure Ibraahim Uunlaaye oo ay ehel yihiin uu ka dalbaday Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe,in cadaalada lahor keeno.
Falalka noocaan oo kale ah ayaa mararka qaar ka dhaca dalka wallow aysan badneyn,waxana dadka ku nool Magalada Kisamayo ay hadal hayaan Askari ka tirsan Ilaalada Madaxweynaha Jubbaland oo dilay xaasikiisa.