Askari ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo Al-shabaab isku dhiibay

Dagaalamayasha Al-shabaab ayaa sheegtay  in uu isku dhiibay Askari ka tirsan Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbland, kaasi oo sida ay sheegen ka howlgali jiray deganno ka tirsan Maamulkaasi.

Askariga ay sheegeen Shabaab in uu isku dhiibay ayaa waxaa ay Magaciisa ku sheegeen Sadaam Macallim Buule, kaasi oo ka howlgali jiray Baar-Sanguuni.

Waxaa ay  sheegen Al-shabaab in muddo ka badan Seddex sano uu ka mid ahaa Ciidanka Jubbaland, balse ugu dambeytii uu isku dhiibay Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Maamulka jubbaland kama hadlin sheegashada Al-shabaab ay ku sheegteen in Askari ka tirsan Ciidanka Jubbaland uu isku soo dhiibay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media