Askari Ilaalo u ah Wasiir ka tirsan Dowladda oo Mas’uul ku dilay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa Caawa wadada Maka Al-mukarama ee Muqdisho ku dilay Agaasime Waaxeed ka tirsanaa Xafiska Xeer Illaalinta Qaranka.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilka loo geystay Agaasime Waaxeedka uu ka dhacay Taree Biyaano, isla markaana Askariga falkaas geystay uu saarnaa Gaariga Wasiirka Cadaalada Xasan Xuseen Xaaji.

Intaas kadib Askariga Ilaalada u ah Wasiirka Cadaalada Xukuumadda ayaa isku dayay inuu goobta ka baxsado, hayeeshee waxaa gacanta ku dhigay Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda oo xiligaas goobta mararay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga dilka geystay lagu xiray Xarunta Baarista Booliska, waxaana Mas’uulka uu ahaa Agaasimahii Waaxda IT-da ee Xafiska Xeer Illaalinta Qaranka, Cilmi.

Si kastaba dilkaan Caawa ka dhacay Taree Biyaano ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo galabta Askari ka tirsan Ciidanka dowladda uu qof shacab ah ku dilay agagaarka Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo goobta ka baxsaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media