Askari dil ka geystay Dhuusamareeb oo gacanta lagu dhigay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay Nin Odey ahaa ku toogtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in dilkan uu ka dhacay Xaafada horseed ee Dhuusamareeb, isla markaana Askariga uu  si bareer ah u dilay Odeyga xili uu halkaas ku sugnaa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maxamuud Siigaale, kaasi oo kamid ahaa dadka deegaanka Dhuusamareeb, waxaana goobta ka markii hore ka baxsaday Askarigii falkaas geystay.

Intaas kadib Ciidanka amniga dowladda ayaa howlgal kala duwan ka sameeyay Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona markii dambe soo qabtay Askarigii dilka u geystay Cabdiraxmaan Siigaale.

Saraakiisha amniga Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in Askariga gacan ku dhiiglaha ahaa lagu xiray Xabsi ku yaalla halkaas, isla markaana sharciga lahor geyn doono.

Si kastaba Ciidanka amniga dowladda ee ku sugan Caasimadda Galmudug ayaa horey ugu guuleystay inay ka gacanta kusoo dhigaan Askari dil u geystay qof shacab ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media