Askari British oo u geeriyooday Maroodi ku durduriyey

Wasaaradda Difaaca ee dalka Britain ayaa xaqiijisay inuu Askarigaasi ku geeriyooday dalka Malawi, halkaasi oo uu u joogay Hawlgal looga hortagayo dadka la baxa Foolasha Mardoodiyaasha.

Askariga geeriyooday oo la oran jirey Mathew Talbot kana tirsanaa Guutadda 1-aad ee Ciiddanka Ilaaladda Britain ee Coldstream Guards waxaa la sheegay inuu geeriyooday bishan May 5-dii.

Warbaahinta British-ka waxay sooweriyeen in la rumeysan yahay inuu Askarigaasi Maroodi ku dul-joogsaday, kuna durduriyey ilaa uu ka geeriyoodo.

Wasiirka Difaaca ee Britain, Penny Mordaunt waxay ka tacsideysay geerida Askarigaasi, iyadoo sheegtay inay Ciiddanka UK u bareeraan khatarta si loo badbaadiyo qaar ka mid ah Xayawaanaadka Caalamka ee ay khatarta ku hayaan Dembiilayaasha dila Duur-joogta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media