Askar lagu dilay weerar ka dhacay Maali

Askartaasi ayaa lagu dilay weerar ay Maleeshiyo hubeysan ku qaadeen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Tuulladda Diooru ee Gobalka Mopoti ee Bartamaha dalkaasi.

Afhayeenka Milliteriga ee dalkaasi, Diyaran Kone oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa xaqiijiyey geerida 16 Askari, balse waa uu ka gaabsaday faahfaahin kale.

Ilo Milliteri oo kale oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay inay Ciiddanka isku tijaabiyeen inay ka caabiyaan Maleeshiyadda soo weerartay, balse laga awood badnaaday.

Maleeshiyadda Kooxaha kala taabacsan Al-qaacida iyo Daacish ayaa ku xooggan Bartamaha iyo Waqooyiga dalka Maali, kuwaasi oo inta badan weerar gaadmo ah ku qaada Ciiddanka Dowladda iyo kuwa Nabad-ilaalinta ee ku sugan dalkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media